Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo ka socota magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Doorashada ayaa haatan si rasmi ah u bilaabatay, waxaana lagu horreysiiyey kursiga tirsiigiisu yahay #Hop205, kaas oo ay u tartamayaan labada musharax ee kala ah:

1-Axmed Cabdi Kooshin

2- Muna Xuseen Faarax.

Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee maamul goboleedyada waxaa si habsami leh uga soo socota dardar-gelinta doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here