Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray dhammeystirka doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Shirkan ayaa waxaa diirradda lagu saaray dhammeystirka howlaha doorashooyinka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa isla soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee haatan ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan, iyada oo kadib la dooran doono guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here