Doorashada lix kursi oo maanta ka dhaceyso magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa maanta doorashada kuraas ka mid ah Baarlamaanka Soomalaiya ku qabanayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah:-HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074.

Sidoo kale kuraastan lixda ah waxaa ku tartamayaa illaa 12 musharrax oo buuxiyey shuruudaha tartanka ee doorashada.

Tallaabada ay Puntland u qaadeyso doorashada ayaa qayb ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here