Doorashada xunbo ka tirsan Aqalka Sare oo ka dhaceysa Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhaceysa doorashada lix kursi oo ka mid ah sideeda xubnood ee ay Galmudug ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socoto magaaladaasi, iyada oo si weyn loo adkeeyey dhanka amniga.

Doorashadan waxaa ka qeyb-galaya illaa 12 musharrax oo ku tartamaya lixda kursi ee ay maanta Galmudug qabaneyso doorashadeeda.

Shalay ayey aheyd markii 11 Senatar lagu doortay magaalada Garoowe, kuwaas oo ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here