Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan Nairobi kula qaatay Ganacsatada ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka marayo iyo dadaalka dowladda ay ku bixisay hirgelinta doorashada ok qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada laga soo doortay Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble mar uu ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa tilmaamay in tani ay ka duwantahay doorashadii 2016ka, isla markaana lagu qabanayo labo degmo oo ka mid ah Maamul Goboleedyada, loona baahanyahay dhaqaale fara badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Aniga iyo madaxda kale ee Qaranka waxaa naga wada go’an in aan dalka doorasho ka hirgelinno. Waxaa daaha keenay duruufihii la soo maray, balse doorashadii way noo bilaabatay”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay booqashadiisa Kenya inay la xiriirto oo kaliya dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, waxaana uu si cad u sheegay in arrinta badda ay tahay mid biyo kama dhibcaan ah oo aan gorgortan laga geleynin, isla markaana ay jawaabta ka sugayaan Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Ra’iisulWasaaraha ayaa yiri
“Booqashadeyda Kenya waxay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah. Kenya uma imaan in aan wax saxiixo Arrinta badda waa lama tabtaan waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka”.

“Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, haddii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo Madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo Madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto,” ayuu yiri Mudane Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu sheegay in Madaxweynaha Kenya uu kala hadlay fududeynta dal ku galka, isla markaana arrintaas guddi loo xil saaray.

“Waxaa ila socda Taliyaha hey’adda Socdaalka Soomaaliya Koofi, waxaa loo balamiyey dhigiisa waana kulmaayaan, wixii ka soo baxa wadahadalkooda kheyr Allaha nooga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here