Doorasho tartan furan ah oo maanta ka dhaceyso magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#011 iyo HOP#063, kuwaas oo tartankooda la furay.

Sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle waxaa kursiga HOP#063 ku tartami doono illaa 9 musharrax oo uu ku jiro wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo horey ugu fadhiyey kursigaasi.

Sidoo kale kursiga kale ee HOP#011 waxaa ku loolami doono laba musharrax oo kala ah wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ku fadhiyey kursigaas iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Doorashada ka socota Beledweyne ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, kuwaas oo dib u dhigay kuraasta taalla magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here