Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabudqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Doxa kula kulmay ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah oo sidoo kale ah Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, si gaar ah sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dowladood.

“Waxaan kulan miradhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka aan walaalaha nahay ee Qatar ahna Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Khalid bin Mohammad Al Attiyah oo aan ka wadahadalnay xoojinta xiriirka & Iskaashiga Soomaaliya & Qatar gaar ahaan labada wasaaradood” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Gaanshaandhigga.

Qatar ataa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna dalka ka fulisaa mashaariicyo dhowr ah oo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here