Muqdisho – Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayaa cagta mariyay jidgooyooyin ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Daynuuney ee Gobolka Bay.
Hawlgalkaasi ayaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu guuleystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ka sameysteen.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka war hayso in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Iyagoo fulinaya heshiisyo ay la galeen, ayaa la sheegay inay faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana difaacaya maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu jebiyay dagaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay una beenisay ficillada iyo hadallada shaqsiyaadkaas, iyadoo sheegtay in lagula xisaabtami doono iyaga iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelata falalka argagixisanimo ee noocan oo kale ah.
Sidoo kale, dowladda ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamka ee taageerada hagar la’aanta ah siiya Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda dagaal iyo howlgalada ay wadaan ciidamada dowladda ee ka dhanka ah hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasi oo ay khilaaf siyaasdeed soo kala dhex galay dowlada.



