Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo ka wada-hadlay dagaalka Al-Shabaab

0
Nairobi (Kenya), 25/09/2023.- US Secretary of Defence Lloyd J. Austin III (L) poses for a photo after a joint press conference with Kenyan Defence Minister Aden Duale (R), at the Ministry of Defence in Nairobi, Kenya, 25 September 2023. (Kenia) EFE/EPA/DANIEL IRUNGU

NAIROBI (SMN) – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa isniintii carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo “in la joogteeyo” dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

kadib shir jaraa’id oo uu Nairobi kula yeeshay isniiintii, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayuu Xoghaye Austin sheegay in loo baahan yahy in la dardargiliyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xoghayaha ayaa booqasho ku tagay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, taas oo qayb ka ah socdaalkiisii ugu horreeyay ee qaaradda afrika.

Socdaalkiisa ayaa Axaddii ka soo billowday dalka Jabuuti, wuxuuna Arbacada ku soo gaba-gabeyn doonaa Waddanka Angola.

“Waxaan ognahay in horumarku aanu had iyo jeer ahayn xariiq toosan, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaan aragno arrimuhu inay soo hagaagayaan hal maalin, waxaana laga yaabaa inaan aragno caqabado maalinta xigta,” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Austin ayaa hadalkan sheegay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) todobaadkii hore, kaasoo billowday in si tartiib-tartiib ah xilalka loogu wareejiyo ciidamada Qaranka horaantii sannadka 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here