Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ka wada-hadlay arrim muhiim ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka hay’adda maareynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash.

 

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta  hay’adda SoDMA ay uga caawin lahayd dib u habaynta biya xireenka Sabuun ee duleedka degmada Jowhar, oo muddo aan helin wax dib u dayactir ah muhiimna u ah beeralayda ku nool Gobolka Shabeellada dhexe.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii gargaar dowladda Imaaradka Carabta u garsiin lahayd meelaha fog-fog ee dalka , gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddoomiye Axmed ayaa dowladda Imaaradka Carabta uga mahadceliyey sida hagar la,aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed iyo dowladdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here