Madaxweyne Laftagareen oo maanta qaabilay wafdi caalami ah + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa ugu Sarreeya hay’adda MSF Tammaam Aloudat.

 

Laftagareen iyo madaxa hay’adda MSF ayaa kulankooda la isaga xog-waraystay mashaariicda socda ee hay’addu ay ka waddo guud ahaan deegannada Koonfur Galbeed dhinacyada horumarinta adeegyada Caafimaadka, kaalmaynta dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdi Cali Dogey.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here