Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha difaaca

0

DOOXA (SMN) – Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa qayb ka ahaa in ka badan 70 dowladood oo lagu marti qaaday shir sanadeedka bandhigga difaaca badaha caalamiga ah ee Dooxa (DIMDEX 2024) oo la qabtay sanadkii siddeedaad.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah ayaa ka wada hadlay arrimo quseeya difaaca dalka iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada wasaaradood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here