Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee Jubaland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo hogaaminaya wafdi wasiiro ah oo ay kamid yihiin Wasaaraddaha, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Haweenka ayaa  booqday deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab.

 

Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdigiisa ayaa tagay deegaanada Muuse-xaaji, Mallaaylley, Turdho, Baxar-saafka iyo Baarsanguuni oo maalmahii lasoo dhaafay ay howlgalo ka wadeen Ciidamada Dowladda Jubaland iyo Xoogga dalka.

Wafdigan uu Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo ayaa warbixin la xiriirta howlgalka iyo ilaa hada guulaha laga gaaray ka dhagaystay Sarakiisha hay’adaha amniga ee howlgalka ku jira.

Waxaa Madaxweynahu uu ku bogaadiyay Ciidamada geesiyada ah ee jabka xooga leh gaarsiiyay Al-Shabaab maalmahii lasoo dhaafay shaqada adag ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan isagoo ku booriyay İnay sii laba jibaaran shaqada adag ee ay ugu jiraan hormarinta amniga Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here