Dowladda Federaalka oo Laftagareen iyo ciidamadiisa ku eedeysay xiriir ay la leeyihiin Al-Shabaab

0

Muqdisho — Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay hay’adaha warbaahinta, mareegaha iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada ee ay ku eedeysay inay faafiyaan dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaad ay sheegtay inay la midoobeen kooxda Khawaarijta ah ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay in digniintan ay ku saleysan tahay Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, sharciga wax-ka-beddelka ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerar hore looga soo saaray ka hortagga faafinta dacaayadaha argagixisada.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka aysan aqbali doonin in warbaahinta iyo baraha bulshada loo adeegsado abaabulka weerarro, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha argagixisada ama kicinta rabshado hubaysan oo lagu qalqalgelinayo amniga dalka, laguna barakicinayo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in cid kasta oo lagu helo inay si ula kac ah warbaahinta ama akoonnada baraha bulshada ugu adeegsatay falalkaas ay wajihi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga. Waxay intaas ku dartay in dadka lagu helo gacan-siinta, maalgelinta ama dhiirrigelinta falalka argagixisada lala tiigsan doono shuruucda khuseeya, iyadoo go’aanka lagu saleynayo caddaymaha la hayo iyo mas’uuliyadda qofka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in cid kasta oo caddayn ku filan loo helo inay si ula kac ah taageero maaliyadeed u siisay argagixisada ama ka qaybqaadatay maalgelintooda la horkeeni doono caddaaladda. Ugu dambeyn, Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu baaqday hay’adaha warbaahinta iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada inay ka waantoobaan falalka ay ka digtay, isla markaana ay u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here