Dowladda Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya keentay deeq raashin ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bini’aaddannimada Soomaaliya marwo; Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay maanta Dowladda Imaaraatka Carabta kala wareegeen 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka.

Marwo; Khadiija ayaa sheegtay in deeqdan ay si rasmi ah uga sii wareejisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane; Axmed Abuukar Axmed.

“Dowladda Imaaraatka waxa ay inna soo gaarsiisay deeq raadhiin ah oo lagu keenay afar diyaaradood, tanina waa deeqdii shannaad oo ay dalka soo gaarsiiyaan, ayay tiri wasiir Khadiija.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here