Shirweynihii nabadeynta ee Saax-maygaag oo maanta lasoo gabagabeeyey

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna  Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.

Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.

Ku-simaha MadaxweynahaPuntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Dowladdu qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowladd iyo shacabba.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada,Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.

Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowladda, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here