Dowladda Ingiriiska oo 5 milyan ugu deeqday ciidamada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 5 milyan oo Gini, taas oo loogu talagalay xoojinta ciidamada ammaanka Soomaaliya oo haatan dagaal adag ku jiro Shabaab, maadaama ay dalka ka wadaan howlgallo xoreyn ah.

 

Lacagtan ayaa waxa ay UK soo marsiisay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) oo ku wareejinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqadan lacageed ee ka timid Ingiriiska ayaa waxaa looga dhawaaqay kulan gaar ah oo ay yeesheen La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta laamaha amniga, qaadista cunaqabateynta iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK.

Sarah ayaa madasha ka sheegtay muhiimadda taageeradan maaliyadeed ay u leedahay raadinta nabadda Soomaaliya, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in lagu dadaalo xasilinta Soomaaliya.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka,” ayay tiri Ms. Sarah MacIntosh.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in dowladdeeda ay ka go’an tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, sidoo kalena ay kordhiso taageerada ay siiso dowladda dhexe.

“Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib loo qabsaday ee dalka,” ayaa mar kale Marwo Dame Sarah MacIntosh.

Dhankiisa lataliye Xuseen Sheekh Cal oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Ingiriiska, wuxuuna tilmaamay in taageeradan maaliyadeed ay ku soo aaday, xilli loo baahnaa

Si kastaba, maal-gelintan ayaa qeyb ka ah deeqaha joogtada ah ee UK ay ku bixiso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaasoo taageero siiya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here