Al-Cadaala oo farriin u diray shacabka ku sugan deegaanada la xoreeyay

0

Camaara (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka hadlay howlgallada xoreynta ee ka socda Galmudug.

 

Al-Cadaala ayaa farriin u diray dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada la xoreeyay, isaga oo sheegay in looga baahayan inay qaataan doorkooda ku aadan xasilinta amniga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka laga rabo inay sugtaan amnigooda, maadaama ay ciidamada kusii jeedaan deegaanada kale ee ay joogaan Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad dano gaar leh oo xagal daacinaya howlgallada socda iyo guulaha ay gaareen ciidamada.

Hadalkan ayaa wasiir ku xigeenka warfaafinta waxaย  ka sheegay magaalada Camaara oo todobaadkan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa xilligan ka socda howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu weli hoggaamintiisa madaxweynuhu u jooga magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here