Dowladda Masar Oo Hoos U Dhigtay Isticmaalka Shidaalka

0

Qaahira – Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo isticmaalka shidaalka iyo maaraynta kharashaadka, kadib kororka qiimaha tamarta ee ka dhashay dagaalka ka socda gobolka Bariga dhexe.

 

Ra’iisul Wasaare Mostafa Madbouly ayaa sheegay in mashaariicda waaweyn ee ku lug leh shidaalka iyo naaftada lagu hakindoonto ugu yaraan laba bilood, halka qoondada shidaalka ee baabuurta dowladda la dhimayo 30%.

Sidoo kale, shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay (marka laga reebo adeegyada muhiimka ah iyo waaxaha wax soo saarka) ayaa Axad kasta bisha Abriil ka shaqeyn doona si fog, iyadoo la filayo in maalmahaas la kordhin karo ama la dheereyn karo haddii xaaladdu sii socoto.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo saameynta dhaqaale ee dagaalka Iran, kaas oo sare u qaaday kharashka tamarta iyo culayska miisaaniyadda dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare Madbouly ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkani yihiin kuwo ku meel gaar ah, isla markaana dowladda ay ka shaqeynayso sidii ay u taageeri lahayd muwaadiniinta, oo ay kor u qaadi lahayd mushaharka ugu yar iyo adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Ahmed Kouchouk ayaa sheegay in kharashaadka adeegga deynta ay kordhi doonaan 5% sanad maaliyadeedka soo socda ee bisha Luulyo bilaabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here