Dowladda oo cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogtay Laftagareen iyo taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta.

0

Muqdisho – Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa liiska qaranka ee cunaqabateynta maaliyadeed ku daray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub” iyo siddeed qof oo kale.

 

Go’aanka guddiga ayaa salka ku haya xog, macluumaad iyo caddeymo uu sheegay inuu qiimeeyay, kuwaas oo la xiriira shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin, xiriir la leeyihiin ama la shaqeeyaan ururka Al-Shabaab, isla markaana ku lug leeyihiin bixinta ama fududeynta taageero maaliyadeed oo loo adeegsaday ama loogu talagalay maalgelinta argagixisada.

Guddiga ayaa sheegay in markii uu qiimeeyay xogaha iyo caddeymaha la soo gudbiyay uu arkay sababo sharci oo ku filan in shaqsiyaadkaasi lagu daro liiska cunaqabateynta maaliyadeed, iyadoo la raacayo Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman iyo xeer-nidaamiyihiisa.

Shaqsiyaadka lagu daray liiska waxaa kala ah:

  1. Abdiaziz Hassan Mohamed “Laftagareen”
  2. Hassan Abdulkadir Mohamed
  3. Mahad Abdirahman Adan “Shub”
  4. Ibrahim Adan Ali “Najah”
  5. Hassan Abdi Mohamed “Ugaas Hassan”
  6. Abdullahi Ali Watiin
  7. Abdifatah Mahad Abdirahman
  8. Abdimajid Mowlid Hassan
  9. Amiin Mad Daruur
  10. Abshir Aden Isak

Go’aanka ayaa dhigaya in hay’adaha ay khuseyso, muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka ama hay’adaha kale ee gudaha Soomaaliya jooga laga mamnuucay inay dhaqaale ahaan ula macaamilaan dadka liiska lagu daray.

Sidoo kale, waxaa waajib laga dhigay in la xayiro hantida ay leeyihiin shaqsiyaadkaasi, isla markaana dhaqdhaqaaq kasta oo maaliyadeed oo la xiriira loo gudbiyo Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Center – FRC).

Guddiga ayaa ugu dambeyn uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay sameeyaan xiriir dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo shaqsiyaadka liiska ku jira, isagoo sheegay in cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan doono xeerarka ka-hortagga argagixisada ee dalka ka dhaqan-galka ah.May be an image of textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here