Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashruuca Dib-u-dhiska Iskuulka Taariikhiga ah ee Bartamaha

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Arbaco ah dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Iskuulka Bartamaha, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.

 

Iskuulkan oo la dhisay xilligii gumeysiga, ka hor sannadihii 1960-meeyadii, ayaa muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, dhismaha oo duugoobay isla markaana burbur xooggan soo gaaray ayaa halis ku ahaa badbaadada ardayda iyo macallimiinta, taas oo keentay baahida loo qabo dib-u-dhis iyo casriyeyn.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa sheegay in dib-u-dhiska iskuulkan uu qeyb ka yahay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada, laguna xaqiijinayo badbaadada ardayda iyo macallimiinta.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsan in la iibiyay dhulka Iskuulka Bartamaha, isagoo sheegay inay tahay wax laga xumaado in la faafiyo warar aan sal lahayn oo ku saabsan arrintaasi.

“Waa wax laga xumaado in la faafiyo warar aan sal lahayn oo ku saabsan iibka dhulka Iskuulka Bartamaha; hantida danta guud waa in looga hadlaa xaqiiqooyin iyo caddeymo rasmi ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta goobaha waxbarashada, dib-u-dhiska Iskuulkanna wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu badbaadinayo ardayda laguna horumarinayo waxbarashada dalka,” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Mashruuca dib-u-dhiska Iskuulka Bartamaha ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo xaaladda goobta waxbarashada, isla markaana abuuro jawi waxbarasho oo ka wanaagsan kii hore, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, iyo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Shangaani.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here