Dowladda Qatar oo si adag uga hor timid damaca gurracan ee Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Qatar oo ka qeyb gashay shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, kalfadhigii aan caadiga ahayn ee shalay qabsoomay laguna lagu taageerayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya kaas oo ka dhan ah madax banaanida iyo Midnimada dhulkeeda ee Dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Qatar ayaa waxaa kulanka uga qeyb galay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sultan bin Saad Al Muraikhi, isagoo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ka qeyb galka kulankan deg dega ah uu yahay mid lagu taageerayo Jamhuuriyadda ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay in lagu gafay midnimadeeda dhulleed, xasiloonideeda iyo wadajirkeeda.

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Qatar uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo saameyn ku yeelanaysa Qaranimada Soomaaliya,isagoo caddeeyay in waajib tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay kaalin weyn ka qaadaneyso taageeridda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinacyada horumarka ah, iyadoo taageereysa qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here