DF Somalia oo shaacisay in howlgal lagu dilay 130 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin cusub kasoo saartay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas oo dhacay todobaadyadii ugu dambeeyay Al-Shabaab looga dilay 130, sidoo kalena looga soo furtay hub badan.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in howlgalladan lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran oo ay markii hore ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here