Madaale oo dhagax dhigay waddo isku xirta degmooyinka Kaaraan & C/casiis

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wadada Laamiga ee isku xera Isgoyska Kaaraan illaa Aargada Liido ee Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, taasi oo qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

 

Dhagax-dhiga wadadaan oo noqoneysa wadadii 15-aad ee uu dhagax-dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) mudada sanadka iyo billooyinka ah ee uu xafiiska joogo, ayaa waxa ay door muhiim ah ka qaadaneysaa fududeynta isku socodka Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo Dalxiiska xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada labada Degmo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here