Dowladda Soomaaliya iyo Algeria oo Kawada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga

0

Algeria  – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Algeria Saciid Sacyuud.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Badaawi, Safiirka cusub ee Algeria u fadhiya Soomaaliya Maxamed Calim, iyo Safiirka Soomaaliya ee Algeria Yuusuf Axmed Xasan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Wasiirrada Soomaaliya iyo Algeria ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo labada dal ka yeeshaan arrimaha amniga iyo is-weydaarsiga khibradaha, si loo taageero nabadda iyo dowlad-dhiska gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here