Mareykanka oo Ku Booriyay Dowladda Koonfurta Suudaan Dib-u-soo Celinta Nabadda iyo Dib-u-habeyn Dowladda ah

0

Juba, Koonfurta Suudaan – Sarkaal Sare oo ka tirsan Xafiiska Afrika ee Dowladda Mareykanka, Nick Checker, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Juba,  halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda sare ee dowladda South Sudan.

 

Intii uu socday kulanka, sarkaalku wuxuu sharaxay mudnaanta Dowladda Mareykanka ee ku aaddan Koonfurta Suudaan, oo ay kamid yihiin horumarinta nabadda, yareynta ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, xoojinta amniga xuduudaha iyo hagaajinta wada shaqeynta dhinacyada socdaalka iyo amniga.

Nick Checker ayaa madaxda Koonfurta Suudaan ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu soo celinayo nabadda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada hadallada u dhexeeya dhammaan dhinacyada ku jira heshiiska nabadda ee sanadkii 2018.

Sarkaalku wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay xarigga iyo maxkamadeynta Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee dalka, isagoo sheegay in aysan suurtagal ahayn in la sheego in geeddi-socodka wada hadalka siyaasadeed uu socdo iyadoo hoggaamiyihii xisbiga labaad ee ugu weyn heshiiska nabadda la xiray.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay in ka badan 9.5 bilyan oo dollar ku bixisay taageerada shacabka South Sudan tan iyo markii ay xornimada qaateen sanadkii 2011. Isla muddadaas, waxaa la sheegay in madaxda dalkaasi ay heleen dakhli ka badan 25 bilyan oo dollar oo kasoo xarooday saliidda dalka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah madaxda Koonfurta Suudaan inay muddo dheer ka faa’iideysanayeen xasaradaha siyaasadeed iyo ballanqaadyo dib-u-habeyn ah si ay u helaan taageero caalami ah, iyagoo isla markaana caqabad ku noqday gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Ugu dambeyn, Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxda South Sudan inay si hufan u adeegsadaan dakhliga qaranka si loo bixiyo mushaharaadka shaqaalaha dowladda, loona maalgeliyo adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here