Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga, XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Soomaaliya ee Isbaheysiga Dalalka Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

 

General Tuuryare ayaa Wasiirka Gaashaandhigga siiyay warbixin la xiriirta howlaha iyo mashaariicda Isbaheysiga ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaasha mashaariic cusub oo dalka laga fulin doono sanadkan, iyo wufuud ka socota Isbaheysiga oo la filayo inay dalka soo gaaraan dhawaan.

Dhanka kale, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa kulan la yeeshay Guddiga Sare ee diyaarinta Istiraatiijiyadda dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, Taliyaha Xarunta Howlgallada Wadajirka ah.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tayeynta qorshayaasha dhismaha ciidanka, iyo horumarinta istiraatiijiyadda guud ee amniga dalka.May be an image of one or more people and text that says "M"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here