Dowladda Soomaaliya oo Guul ka sheegatay dagaalka Al-Shabaab

0

DOHA, Qatar — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u xoreysay in ka badan 55% dhulkii ay dalka ka joogeen kooxaha argagixisada ah, iyadoo cabsi-gelinta kooxahaas laga xoreeyey ku dhowaad 1.5 milyan oo qof.

 

Warkan waxaa shaaca ka qaaday La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, isagoo khudbad ka jeedinayay Madasha Amniga Caalamiga ah ee 2026 oo ka socota magaalada Doha ee dalka Qatar.

Danjire Aweys ayaa tilmaamay in dalku uu horumar muuqda ka sameeyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo Daacish. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax-bannaanida dalalka, u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah, iyo dhisidda iskaashi caalami ah oo hufan.

Sidoo kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa ugu baaqay dalalka deriska ah iyo saaxiibada caalamiga ah inay xoojiyaan iskaashiga dhanka amniga ah, gaar ahaan is-dhaafsiga xogta sirdoonka, sugidda xuduudaha, iyo dhowrista amniga marin-biyoodyada muhiimka u ah ganacsiga caalamka.

Waxa uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo dadaallada ciidan iyo kuwa siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasilloonida gobolka Pemba iyo Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here