Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay xulka qaranka U-17 oo wata billadda qalinka

0

MUQDISHO – Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xulka qaranka Soomaaliya ee 17-jirada, oo dib ugu soo laabtay Muqdisho iyagoo wata billadda qalinka ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

 

Madaxda ayaa ciyaartoyda ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida sharafta leh ee ay dalka u mataleen, iyagoo sidoo kale bogaadiyay u soo bixitaankooda tartanka CAF ee qaaradda Afrika.

Waxaa soo dhaweynta ka qaybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed iyo Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal.

Wasiirka dhinyarada ayaa sheegay in ciyaartoyda loo qaban doono munaasabad maamuus ah marka ay nastaan, si loogu dabaaldego guusha ay dalka u soo hooyeen.

May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, people playing soccer and crowdMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, suit and crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here