Dowladda Soomaaliya oo hawada ka celisay diyaarad labaad + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in maanta diyaarad labaad ay ka celisay hawada dalkeenna, taas oo ku socotay dhanka Hargeysa.

 

Diyaaradda oo ahayd xamuul ayaa waxa ay sheegtay in laga leeyahay dalka Thainland, ayna isku dayeysay inay u kala duusho magaalooyinka Sharjah iyo Hargaysa.

Sababta ayaa waxaa hay’addu ay ku sheegtay in idiyaaraddu ay sheegi weysay macluumaadkaa xamuulka ay waddo, kadibna sidaas looga celiyay hawada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso:-

Warsaxaafadeed

Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ,  iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo)  oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here