Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay doorashada maamulka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay madaxweyne Saciid Deni oo dib loogu doortay madaxweynaha Puntland.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa Saciid Cabdullaahu Deni loogu rajeeyay inuu Alle u fudueeyo xilka culus ee mar kale loo doortay.

Halkan hoose ka akhriso:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada.

Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here