Madaxweyne Saciid Deni oo dib loogu doortay maamulka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale dib loogu doortay hoggaanka maamulkaasi, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

 

Deni ayaa la tartamay 11 musharrax oo uu ka guuleystay xilkan, waxaana doorashada ay ahayd mid xasaasi ah oo la’isla gaarayaa illaa wareegga saddexaad.

Wareeggii u dambeeyay waxaa isugu soo haray Saciid Deni oo helay 45 cod iyo musharraxa Guuleed Saalax Barre oo isna helay 21 cod, sida lagu sheegay natiijada.

Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka Puntland loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ahaa wasiirkii duulista iyo garoomada xukuumadda Deni, kaas oo isna loola adag u galay kursigaasi, sidaas waxaa maanta kusoo dhammaaday doorashadii muranka badneyd ee Puntland  oo ay in muddo ah isku hayeen mucaaradka laga adkaaday iyo Saciid Deni.

Si kastaba, waxaa weli halkiisii ah khilaafkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here