Dowladda Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka ee sanadkan

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga qaabilsan adeegga Xajka ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in la kordhiyey qiimaha Xajka ee sanadkan, kadib war saxaafadeed uu soo saaray.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in qiimaha Xajadka ee sanadkan lagu jaan-gooyey lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here