Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo xiran + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xirnaashaha waddooyinkan oo ay ka mid tahay wadada Maka Al-Mukarrama ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dadka shacabka ah, iyadoo halkaas lasoo dhoobay ciidamo dheeri ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinkaas, balse wararka qaar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda Muqdisho ay soo gaari doonaan wufuud heer caalami ah.

Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in la qabto 9-ka bishaan June ee sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here