Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay farageliso dagaalka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Maxamed Xaadir Nuur oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood, isaga oo baaq u diray dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Xaadir oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay sii socoshada dagaalka u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay inay qaado tallaabo la xiriirta dagaalka Laascaanood, si xal loogu soo dabaalo magaaladaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay dagaallo kasii socdaan aagga magaalada Laascaanood oo ay muddo siddeed bilood ah ku dagaalamayaan ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa milatariga Somaliland.

Kadib dagaalkii 25 kii bishii hore ka dhacay xerada Goojacadde labada dhinac ayaa wada abaabul xoogan iyo is uruursi ciidan, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here