Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dil loogu hanjabo maalin kasta

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidanka Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan dhagarta iyo weerarada uga imaanaya kooxdaasi.

 

Xasan Sheekh ayaa Ciidankaasi ku ammaanay diyaar-garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Isagoo khudbad dardaaran ah oo dhinacyo badan taabanaysa u jeedinayey ciidanka ayuu madaxweynuhu sheegay in maalinkasta isaga loogu hanjabo dilal siyaabo kala duwan loo qorsheynayo, balse uusan dhag jalaq usiin maadama uu aaminsan yahay qaddarta Alle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in farriimaha ay sirdoonku u keenayaan ay badan yihiin, ayna  kamid yihiin in uusan safrin, maadama diyaaradda lala soo ridi karo,  la sumeyn karo iyo in gawaari qaraxyo ah loogu diyaariyey wadooyinka uu marayo hasa’ ahaatee aysan taasi ka hor istaageyn isaga dagaalka uu hormuudka u yahay in badan oo dalka ahna looga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka iyo magaalooyinka laga abaabulayo howlgallada xoreynta ah ee la doonayo in dalka looga saaro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here