DF Soomaaliya oo loogu baaqay inay gargaar geyso deegaanadii la xoreeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Shaafici Jaamac Cabdi oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.

 

Waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada la xoreeyay ay u baahan yihiin garab istaag iyo in la gaarsiiyo dowlanimada, si ay u helaan adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Sidoo kale wuxuu baaqay dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka inay gurmad bani’aadanimo la gaarsiiyo dadkaasi, maadaama ay muddo dheer la daala dhacayeen dhibaatooyin kala duwan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana haatan howlgallada xoogooda ay ka socdaan Galmudug iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here