Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay soo xirto madaxweyne Muuse Biixi

0

MUQDISHO (SMN) – Garyaqaan Cabdiqani Axmed oo ka qayb-galay shirkii Madasha Garyaqaanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

 

Garyaqaanka ayaa usoo u jeediyay dowladda Soomaaliya inay qaab sharci u wajahdo xadgudubka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu kula taliyay xeer ilaalinta qaranka inay waaran soo qabasho ah u jarto madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixj iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, maadaama ay ku xadgudbeen madax banaanida Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiskii ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay Somaliland ku siisay Itoobiya 20 KM oo kamid ah baddeena.

Arrintaas oo xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka hortimid dowladda federaalka oo soo saartay go’aano ka dhan ah heshiiskaas oo sidoo kale la kulmay cambaareyn ka timid qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga oo garab istaag u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here