Dowladda Soomaaliya oo mucaaradka ugu baaqday gogol wadatashi qaran

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi qaran oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho inta u dhexeysa 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026.

 

Gogoshan ayaa ujeeddadeedu tahay in dhinacyadu si wadajir ah uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka federaalka, iyadoo la doonayo in go’aannada lagu gaaro is-afgarad iyo isu-tanaasul.

Casuumaaddan ayaa timid xilli mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay wadaan abaabul siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan dowladda, kaas oo la xiriira khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogaysatay kaddib hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo mucaaradku u arkeen in dowladda aysan diyaar u ahayn inay talo wadaag dhab ah ka yeelato arrimaha siyaasadda dalka, balse ay ku adkeysanayso go’aannadeeda.

Wadatashigan ayaa imanaya xilli loo baahan yahay in dowladda iyo mucaaradku ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka federaalka, si loo helo is-afgarad siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here