Muqdisho – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan salaan iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed uu ku leeyahay isku haynta bulshada, xallinta khilaafaadka iyo dowlad-dhiska dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu madaxweynihii hore la yeelanayo waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada, kuwaas oo uu kala tashanayo xaaladda dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dejinayo xiisadaha siyaasadeed ee jira.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli dalka ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo u baahan wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed.




