DF oo sheegtay in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay dagaalkii Awdheegle

0

AWDHEEGLE (SMN) – Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerar iyo dagaal toos ah oo saaka ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay inay ka hortageen weerar qarax ku billowday oo Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen degmadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in dagaal adag oo ay la galeen xubnaha weerarka soo qaaday ay uga dileen ugu yaraan 20 xubnood, sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here