Mareykanka oo qiray in shacab lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Galgaduud

0

WASHINGTON (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa waxaa lagu faah-faahiyay duqeyn ay lixdii bishan ka fuliyeen gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

 

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaas lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, balse uu sidoo kale khasaare soo gaaray rayid.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in saddex kamid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay ku dhinteen weerarkaas, isla-markaana laga hortagay weerar ay abaabuleysay kooxda.

Mareykanka ayaa sidoo kale bayaankan ku sheegay inay goobta kasoo qaadeen shacabka ay waxyeelado soo gaartay, gaar ahaan kuwa dhaawacyada ah, si loo dabiibo xaaladooda.

Taliska AFRICOM ma sheegin tirada dadka rayidka ah ee goobta ku dhintay ama ku dhaawacmay, marka laga soo tago qirshada inay waxyeelo soo gaartay rayidka.

Dhanka kale Mareykanka ayaa meesha ka saaray jiritaanka in ay laayeen dad rayid ah wararkaasi oo ay horay u faafiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda horay u sheegtay in weerarkan lagu khaarijiyay saddex hoggaamiye oo Shabaab ah, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay.

Magacyada saddexda sarkaalka ee duqeynta lagu dilay ayaa lagu kala sheegay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna kamid ahaa xubno ay sheegtay inay baadi-goobeysay dowladda dhexe.

“Howlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug” ayay horay ugu tiri warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar iyo qalab siiyaa ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here