Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 27 Shabaab ahaa

0

MUQDISHO (SMN) –  Ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

 

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Khawaarijtu ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga Khawaarijta ah ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.

-Dhammaad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here