Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay weli diyaar u tahay wada-hadalka mucaaradka

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli diyaar u ah inay wada-hadal la yeelato mucaaradka si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo sannadka soo socda iyo arrimaha dastuurka, ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim.

Wasiirka oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegay in dowladdu aysan wax caqabad ah ku qabin in mucaaradka lala fariisto miiska wada-hadalka, isagoo xusay in labada dhinac ay horey u yeesheen kulamo dhowr ah.

Wuxuu sheegay in kulamadaas lagu heshiiyay qodobo qaar, halka qodobo kale ay weli yihiin kuwo la isku khilaafsan yahay, kuwaas oo uu sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii xal looga gaari lahaa.

“Dowladda Soomaaliya waxay ahayd oo weligeed ahaan doontaa mid u furan wada-hadalka arrimaha aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka iyo doorashada federaalka ee soo socota,” ayuu yiri Qaasim.

Si kastaba, wasiirku wuxuu sheegay in waxa dowladdu ay diiddan tahay ay yihiin isku dhacyo hubeysan, qalalaase iyo tallaabooyin wax u dhimi kara xasilloonida dalka.

Qaasim ayaa sidoo kale mucaaradka ku eedeeyay inay mararka qaar qaadaan tallaabooyin sii hurin kara khilaafaadka siyaasadeed, halka dowladdu, sida uu sheegay, ay doorbideyso in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal.

Khilaafka siyaasadeed ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarineyso doorashooyinka federaalka ee la qorsheeyay inay dhacaan sannadka 2027, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo isbeddellada dastuuriga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada wada-hadalka si xal looga gaaro qodobada weli la isku hayo loona gaaro is-afgarad siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here