Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay Ku-simaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Justin Davis, iyo soo dhaweyn loo sameeyay ku-xigeenkiisa, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Mudane Davis shaqooyinkii iyo dadaalladii uu ka geystay xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo u rajeeyay guul xilka cusub ee loo magacaabay. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu soo dhaweeyay Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Wasiirku wuxuu mar kale sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaale.





