Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu kordhay dakhliga gudaha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.

 

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in affartii bilood oo ugu la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay Tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta Canshuuraha.

” Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril  2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah affartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in boqolkiiba 30 inuu kordhay sanadkaan dakhliga Dowladda. Sidoo kale wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in horumar laga sameeyay hannaanka canshuur aruurinta Dowladda taasi oo uu sheegay in ay sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo ka hadlay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya halka uu marayo iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miradhalinta in la gaaro guusha Deyn Cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu hormumr wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guullo wax ku ool ah oo laataban karo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka miradhaliso barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo soo gaabiyo HIPC ee Soomaaliya ay kala shaqaynayso Dowladda Federaalka Hey’adda IMF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here