Wasiirka arrimaha gudaha oo booqday xarunta gurmadka deg-dega ah ee SoDMA

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta tagay xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah ee SoDMA , waxaana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa.

 

Wasiirka ayaa hay’adda waxa ay ugu warbixisay xaladihii ugu danbeeyey ee cabsida roobka gu’ga, Dedaallada hay’adda ay wado, in labada Todabaad ee soo socta ay jirto cabsi xoogan loona bahanyahay in wasiirka farimaha digniinaha hay’adda ka soo baxaya uu sii xoojiyo, si bulshada u sii gaarto, in hay’adda goobaha cabsida fatahadaha iyo daadadka laga qabo ay gaarsiisay gargaar iyo agabyo kale oo muhiim ah si dadka hadii ay barakacaan hoy uga dhigtaan.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo shirjiraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa waxa ay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan, iyagoo bulshada deggan goobaha cabsida lagana qabana ka dalabaday in ay baneeyaan goobahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here