Dowladda Soomaaliya oo shixnad gargaar ah u dirtay deegaanka Janaale + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xeebeedka Jazasiira.

 

Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here