Muxuu Imaaraadka Carabta uga carooday heshiiska BADDA ee Somalia iyo Turkiga?

0

MUQDISHO (SMN) -Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa aad uga carootay heshiis amni iyo mid difaac oo dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan oo Xukummadda Ankara u oggolaanaya in ay ilaaliso biyaha Soomaaliya muddo 10 sanno.

 

Qaar ka mid ah dadka u dhuun daloola arrimaha dalka Turkiga, ayaa sheegaya in heshiiska labada dhinac ay taageersan tahay Qatar oo ah dal ay is hayaan Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa dhibaato horleh u aragta heshiiska dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, sida uu qoray Mehmet Ozkan, oo bare ka ah Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Turkiga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dedaal xooggan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay ula geli la heyd heshiis la mid ah kan lala saxiixday Dowladda Turkiga.

Wargeyska *Middle East Eye* ayaa daabacay in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku wargeliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay joojiyaan bixinta lacag dhan 5 milyan oo doolar, taasi oo lagu taageeri jaray qaar ka mid Ciidanka Soomaaliya.

Dhaqaalaha ee uu jartay Imaaaraadka ayaa sida la sheegay lagu maareyn jiray mushaaraadka guutooyin ka mid ah Ciidanka Dowladda.

Go’aanka uu Imaaraadka Carabta ku joojiyay dhaqaalahan ayaa la aaminsan yahay mid jawaab ah heshiiska dalalka Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidoo kale weerar toogasho ahaa oo dhowaan ka dhacay Xerada Janaraal Goordan, kaasi oo lagu dilay tabbabarayaal ka soo jeeday dalka Imaaraadka Carabta.

Wargeysaka ayaa sidoo kale daabacay in Dowladda Imaaraadka ay aad uga walaacsan tahay xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar, maadaama uu Imaaraadku aaminsan yahay in Qatar ay door ku leedahay heshiiskii ay dhowaan wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Mas’uuliyiinta Dowladda Turkiga sheegay in heshiiskan uusan wax khilaaf ah ku keeni doonin xiriirka kala dhaxeeya Dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu si joogto ah u booqdo dalka Imaaraadka tan iyo 2021-kii.

Maalintii isniinta Madaxweyne Erdogan waxa uu wacay madaxweynaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid, isaga oo ugu hambalyeeyay dhalashadiisa, waxa uuna ku casuumay Turkiga si ay u yeesheen kulamo heerkoodu sarreeyo.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabta aan tooska ahayn ee Dowladda Imaaraadka ee ku wajahan heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa soo muujineysa in ay jiro khilaaf ku saabsan doorka Qatar ee heshiiska labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here