Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay safiir u magacawday Hargeysa, iyo dhagax-dhigga dhisme ay ku tilmaantay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkan, oo la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si bareer ah uga hor imaanayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabooyinkaas u aqoonsan tahay kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana aan lahayn wax saameyn sharci ah. Wasaaraddu waxay caddeysay in Hargeysa iyo gobollada Waqooyi-galbeed ay weli yihiin qeyb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed. Dowladdu waxay intaas ku dartay inaysan jirin tallaabo hal dhinac ah oo baal-mari karta shuruudahaas ama wax ka beddeli karta maqaamka dhulka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinkan ay daba socdaan aqoonsigii ay Israa’iil ku dhawaaqday bishii Diseembar 2025, kaas oo ay hore u diideen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka. War-saxaafadeedka ayaa looga digay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala-qaybsanaanta, isla markaana iska indha-tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay, ay halis u yihiin inay sii kordhiyaan xiisadaha amni ee ka jira gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa Israa’iil ugu baaqday inay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkan, iyadoo sidoo kale dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee ku habboon, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Wasaaraddu waxay ku soo gabagabeysay bayaankeeda in madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay in la ixtiraamo, isla markaana midnimada ummadda Soomaaliyeed aysan ahayn arrin gorgortan geli karta.





